USA-CANADA: Gaadiidleyda mudaharaadaya ee xiray xaduuda oo saameyn ku yeeshay ganacsiga labada dal

Published: February 11, 2022

Xiritaanka dariiq ganacsi ee muhiimka ah oo u dhexeeya Kanada iyo Mareykanka ee ay wadaan gaadiidleyda ka mudaaharaadaya tallaalka Covid19 ayaa saameyn weyn oo dhaqaale yeeshay iyadoo gebi ahaan uu go’ay isu socodkii ganacsi ee labada wadan, waxaana soo baxaya baaqyo dowlada looga codsanayo inay tilaabo ka qaado dadka banaanbaxa wada ee wadooyinka xiray.

“…Fariintaydu waa mid fudud: dib u fur isu socodka buundada xaduuda ee labada dal…” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Michigan (USA) Gretchen Whitmer.

Guddoomiyaha Michigan oo khamiistii shalay bayaan uu soo saaray ugu baaqay mas’uuliyiinta dalka Kanada “…inay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo wadada dib loogu furayo…”.

Dadka Mudaaharaadka wada oo u badan gaadiidleyda gawaarida xamuulka oo kasoo horjeeda amarrada inay qaataan tallaalka ayaa markii hore ku bilowday qaab “Kolonyo” ah oo ku wajahnaa bartamaha magaalada caasimada ah ee Ottawa.

Khamiistii shalay ayey xadka Mareykanka iyo Kanada ee deegaanka Manitoba ay xannibeen gaadiidleyda mudaaharaadka ee kasoo horjeeda tallaalka lagu khasbay inay qaataan dadka si looga hortago cudurka faafa ee Covid19, iyagoona gebi ahaan xiray buundada xaduuda ee kala qeybisa labada dal.

Mudaaharaadyo la mid ah ayaa horey uga dhacay dalalka Australia, New Zealand iyo France.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *