Faransiiska oo ciidamada kala baxaya Mali

Published: February 15, 2022

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa todobaadkan ku dhowaaqi doona in ciidamada Faransiiska laga soo saari doono dalka Mali loona diri doono meelo kale oo ka tirsan gobalka Sahel ka dib markii uu burburay xiriirka kala dhexeeyay maamulka militariga ee dalkaasi, sida ay sheegayaan ilo wareedyo.

Dhowr sarkaal oo ka tirsan militariga France ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in ku dhawaaqista Macron ee lagu soo afjarayo howlgalka ciidamada Faransiiska ay 9kii sano ee lasoo dhaafay ku joogeen wadanka Mali ay ku beegan tahay shirmadaxeedka Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ee Brussels ee dhacaya Khamiista iyo Jimcaha.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *