Putin oo qorsheenaya in askarta Siiriya u adeegsado dagaalka Ukraine

Published: March 11, 2022

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ay weli ka go’antahay inuu ku guuleysto duulaanka uu ku qaaday dalka Ukraine ayaa qorsheenaya in ciidamada dowlada ay xulafada yihiin ee Siiriya u adeegsado dagaalka, xili ay caqabado soo wajaheen ciidanka Ruushka.

Putin ayaa markii ugu horeysay xaqiijiyey in ciidamada Ruushka ay soo dhaweyn doonaan ciidamada shisheeye si ay gacan u siiyaan dagaalka Ukraine, isagoo sheegay in dowlada Ukraine ay lafteeda bilowday inay soo dhaweeyaan dagaalyahano shisheeye.

In ka badan 16.000 qof oo dalalka barigga dhexe kasoo jeeda gaar ahaan kuwii la dagaalamay Daacish ayaa noo soo diray codsiga inay dagaalka ka qeyb qaataan..

Wasaarada Difaaca Ruushka

Qorshahan ayaa la sheegay inuu yahay mid Ruushka uu doonayo in dagaalka u wareejiyo dhinaca gudaha magaalooyinka waaweyn oo ay dagaalo ku-dhufo oo ka dhaqaaq ah ka wadaan cutubyada hubka fudud ee Ukraine oo si weyn u adeegsanaya gantaalada garabka laga tuuro oo ay ka heleen Maraykanka, hubkaasi oo khasaaro weyn u geystay gaadiidka dagaalka Ruushka.

Ciidamada laga keenayo Siiriyaa ayaa ah kuwo khibrad dheer ulleh dagaalada ka dhaca gudaha magaalooyinka waaweyn sidii kuwii ka dagaalamay magaalada Aleppo ee dalka Siiriya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *