France, Germany iyo Luxembourg oo gacanta ku dhigay hanti uu lunsaday Guddoomiyaha Bangiga Lubnaan

Published: March 29, 2022

Faransiiska, Jarmalka iyo Luxembourg ayaa la wareegay hanti iyo lacag qiimaheedu dhan yahay 120 milyan oo Yuuro, una dhiganta 130 milyan oo doolar, hawlgal ballaaran oo la xariira lacag laga dhacay Qaranka Lubnaan, sida ay sheegtay Hay’ada caddaaladda ee Midowga Yurub.

Qabashada hantidan ayaa la xiriirta baaritaan ay sameeyeen baarayaal Faransiis ah sanadkii hore oo ku saabsan hantida gaarka ah ee Riad Salameh, madaxa bangiga dhexe ee Lubnaan.

Shan guri oo ku yaal Jarmalka iyo Faransiiska ayaa la qabtay iyo sidoo kale dhowr akoon oo bangi ayaa la xayiray; Hay’ada Eurojust ayaa sidaas ku sheegtay qoraal ay soo saartay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *