Qardho, Eyl iyo Ufeyn oo la muddeeyey xiliga la fariisinaayo Xildhibaanadii ku yimid codka shacabka

Published: April 1, 2022

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland ayaa lagu shaaciyey jadwalka doorashada Goloyaasha deegaanka ee ku yimid codkii shacabka saddexda degmo Qardho, Ufeyn iyo Eyl ee doorashooyinka hordhca ah ee qabsoomeen 6 bilood ka hor.

Doorashada ayaa la muddeeyey in ay qabsoonto labada todobaad ee u horeeya bishan Abril, waa markii labaad oo jadwal sidaan oo kale ah la shaaciyo, inkasta oo markaan lakala qaadey saddexda degmo xiliga doorashada Maayorku dhacayso.

Sanadkii hore bishii Oktoobar ayey ahayd markii saddexda degmo laga qabtey. doorashooyinka.

Ufeyn iyo Qardho waxaa codadka ugu badan ku guuleystey ururada mucaaradka ee SINCAD iyo MIDEEYE, waxaana ay dhexdooda ka samaysteen isbahaysi ay ku soo dhisayaan labadaas degmo.

Doorashada qof iyo cod ee la qabtey 6 bilood ka hor, ayaa la soo dhaweeyey in Puntland ku talaabsato waxaase fadeexad ka dhacdey markii dowladu fariisin weydey Xildhibaaada codka shacabka ku yimid, taas oo loo aaneynayo in aysan dowladdu natiijada ku qanacsaneyn.

Hoos ka akhri Jadwalka

Jadwalka*
Ufeyn

  1. Diyaar garowga Xubnaha 04 – 05 April 2022
  2. Dhaarta iyo doorashada 06 April 2022
    Qardho
  3. Diyaar garowga Xubnaha 09- 10 April 2022
  4. Dhaarta iyo doorashada 11 April 2022
    Eyl
  5. Diyaar garowga Xubnaha 12 – 13 April 2022
  6. Dhaarta iyo doorashada 14 April 2022
    Fiiro gaar ah: waxaa jiri doona Masuuliyiin Wasaaraddu u xilsaartay fududeynta dhismaha dhammaan Goleyaasha 3da Degmo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *