Ururka SINCAD oo ku guuleystey doorashadii degmada Ufeyn

Published: April 6, 2022

Waxaa maanta ka dhacdey magaalada Ufeyn ee gobolk Bari doorashadii golaha deegaanka ee sanadkii hore ururada Siyaasaddu ku tartameen, taas oo aad uga dib dhacdey in xiligeedi la qabto.

Axmed Abshir Siciid
Guddoomiyaha cusub ee degmada UFEYN Axmed Abshir Siid (ururka SINCAD)

Golaha Deegaanka ayaa ka koobnaa 27 Xildhibaan ururada SINCAD iyo Mideeye oo samaystey Isbahaysi ayaa ku heshiiyey in SINCAd qadato Guddoomiyaha halka Mideeye qaatey ku xigeenka.

Doorashada ayaa martey hal wareeg oo keliya waxaana u taagnaa.

Axmed Abshir Siciid oo ka socdey ururka SINCAD iyo Axmed Maxamed Maxamuud oo ka socdey ururka muxaafidka ah ee KAAH.

Axmed Abshir Siciid ayaa ku guuleystey 14 cod, halka Axmed Maxamed uu helay 13 cod, ma jirin wax cod ah oo xumaadey.

Waxaa la dooranayaa guddoomiye ku xigeenka, Isbahaysiga Mideeye iyo SINCAD waxaa ka sharaxan Mahad Siciid, iyo Axmed Bidde oo ka fallagoobey ururka SINCAD,

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *