Rooble oo wakiilka Midoga Afrika u qabtey in uu dalka uga baxo 48 saacadood

Published: April 7, 2022
Ambassador Francisco Madeira
Ambassador Francisco Madeira

Qoraal ka soo baxay xafiiska raysalwasaraha Soomaaliya Maxamed Xueen Rooble ayaa lagu sheegay in danjiraha hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira loo isticmaaley persona non grata oo ah qof aan dalka laga rabin.

Rooble ayaa sheegay in Francisco Madeira uu faraha la galay arrimo ka baxsan shaqadiisa.

Dowladda Soomaaliya waxa ay u aqoonsatay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Madeira in uu yahay shakhsi aan dalka laga rabin isagoo ku lug yeeshay arrimo ka baxsan shaqadiisa Wakiilka Midowga Afrika, waxa ayna fareysaa in uu 48 saac gudahood dalka uga baxo.

Dowladda Soomaaliya waxay ka codsanaysaa Guddiga Midowga Afrika inay u yeeraan Danjire Francisco Madeira oo ay u hoggaansamaan codsigan. Waxaan soo dhaweyneynaa howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) waxaana rajeyneynaa inaan la shaqeyno madaxa cusub ee howlgalka.

Maxamed Rooble

Danjire Francisco Madeira ayaa Midowga Afrika u magacaabeen ergayga gaarka ah ee halwgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya sanadkii 2015.

Nidaamka loo maro Persona non grata ayaa ah in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay soo eedeyso soona saarto qoraalkan oo kale, kadibna Madaxa dalka u sareyaa uu taageero, laakiin Raysalwasaare Rooble oo dagaal siyaasadeed oo dhamad lahayn ku jira ayaa keligiis u tafaxaytey in uu soo saaro qoraal caynkan oo kale ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *