ISRAEL: Weerar ka dhacay Tel Aviv oo keenay dhimasho iyo dhaawac

Published: April 8, 2022

Labo qof ayaa xalay ku dhintay 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday bartamaha magaalada Tel Aviv.

Amichai Eshed, oo ah taliyaha booliiska Tel Aviv, ayaa sheegay in qofka toogashada geystay uu rasaas ku furay baar ay dadku ku badnaayeen 9-kii fiidnimo xalay oo Khamiis ahayd, kadibna uu goobta ka baxsaday.

Ninka la tuhunsan yahay inuu weerarka geystay oo ahaa Falastiini ayaa waxaa toogtay booliska meel u dhow masjid ku yaalla magaalada Jaffa subaxnimadii hore ee saaka Jimce ah, kadib hawlgal saacado qaatay oo ay ka qeyb qaateen boqolaal askar ah, kuwaas oo baarayay xaafadaha ay dadku ku badan yihiin.

Asbuucyadii lasoo dhaafay ayaa waxaa isa soo tarayey weerarada noocaan ah oo ka dhacayey dhulka ay Israel maamusho.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *