Doorashada Madaxweynaha Faransiiska oo maanta bilaamatey

Published: April 10, 2022

Faransiiska ayaa maanta oo Axad ah ay ka dhacaysa doorashada madaxweynaha, waxaana lagu wadaa in uu ka dhaco tartan isu dhaw.

Wareega koowaad ee doorashada madaxtinimo ee dalka Faransiiska ayaa dhacaysa Axadda ee 10-ka April. Waxay aad ugu badan tahay in doorashada lagu go’aamin doono wareegga labaad oo 24-ka Abriil, oo ay adag tahay musharax heli kara aqlabiyad wareega kowaad 50+.

Madaxweynaha hadda xilka haya ee Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa markii labaad u tartamaya doorashada. Markii ugu dambeysay waxay ahayd guul weyn oo isaga iyo xisbigiisa Republiken ay jidka ku soo galeen (La Republique En Marche!), Laakin sidee bay hadda u socon doontaa? Labaatan sano ayaa laga joogaa markii Faransiisku dib u doortay madaxweyne fadhiyey, su’aashu waxay tahay Macron ma ku guulaysan doonaa inuu jabiyo habdhaqankaas.

Doorashadan ayaa waxaa hadheeyay dagaalka gardarada ah ee Ruushka uu ka wado Ukraine. Macron si dirqi ah ayuu uga qaybqaatay doodaha doorashada madaxtinimo ama olole. Codbixiyeyaal badan, dhibaatada ugu weyn ee waddanku waa qiimaha sare ee nolosha.

12 musharax ayaa ku tartamaya doorashada madaxweynaha. Laakiin shan ka mid ah ayaa la filayaa inay helaan in ka badan boqolkiiba toban codadka: Emmanuel Macron, Marine Le Pen, Jean-Luc Mélenchon, Valérie Pécresse iyo Éric Zemmour. Aynu si qoto dheer u eegno iyaga.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *