Munaasabadda Dhaarinta Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka

Published: April 14, 2022

Waxaa maanta qabsoontey munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal, taas oo ka dhacdey gudaha Xalane gaar ahaan teendhada Afisiyoone. Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay Xildhibaano ku dhaw 300 oo xildhibaan, oo kamid ah 310 Xildhibaan ee dooran.

Munaasabadii Dhaarta waxaa waxaa ka soo qaybgalay Raysalwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Xildhibaanada waxaa dhaariyey Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo sheegay in dastuurku aanu dhigeyn qaabka loo dhaarinaayo Xildhibaanada laakiin ay ku taalo xeer hoosaadka, waxaana uu ku dhaariyey si waafqsan xeer hoosaadka baarlamaanka.

Kadib dhaarta ayaa lagu wadaa in Xildhibaanadu ay shirguddoon u doortaan Xildhibaanka ugu weyn dhanka da’da sida uu qabo dastuurku, kaas oo lagu wado in uu noqdo Danjire Dhabancad oo laga soo doorto Galmudug.

Waxaa weli dhiman oo aan xal laga gaarin kuraasta taala Garbahaarey oo gaaraya 16 kursi, sidoo kale waxaa Jowhar ku harsan ilaa saddex kursi.

Xildhibaanadii 2012 ee baarlamaankii sagaalad ayaa lagu dhaariyey barxadda garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde bishii Agoosto tiradooduna ahayd 220 Xildhibaan, aqalka sarena ma jirin. Xildhibaanadii 2016 la doortey ee baarlamaankii 10aad ayaa lagu dhaariyey Hoolka Jen Kaahiye ee iskool Boliisiyo 27 December iyaga oo tirada la dhaariyey ay ahayd markaas 284.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *