Weerarkii Israel ku qaaday Masjid Al-Aqsa oo ay 150 ku dhaawacmeen

Published: April 15, 2022

Booliska Israel weerar ay maanta ku qaadeen Masjid al-Aqsa ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan 158 qof oo reer Falastiin ah.

Maamulka Masjidka ayaa sheegay in ciidamada Israel masaajidka gudaha usoo galeen maanta oo Jimce ahayd oo ay halkaasi ku sugnaayeen kumanaan muslimiin ah, waxayna Israa’iiliyiinta sunta dadka ka ilmeysiisa iyo rasaasta caaga ah la beegsadeen dadka iyagoona xiray dhalinyaro badan oo gaareysa illaa 400.

Ciidamada Israel ayaa ku dooday inay masaajidka galeen si ay usoo qabtaan kooxo dad ah oo ay baadigoobayeen, waa siday hadalka u dhigeenee, weerarkan oo lagu so beegay xili lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaanka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *