Guddiga qaban-qaabada doorashada shir-guddoonka Golaha shacabka oo lagu dhawaaqey

Published: April 16, 2022
kalfadhigii Baarlamaanka 11aad

Labada Aqal ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Federaaliga ah ayaa maanta si kala gooni ah u yeeshay fadhigoodi u horeeyey, kalfadhiga ayaa ka dhacay xarumaha baarlamaanka, halka markii hore lagu dhariyey xerada Afisiyoone.

Ajandaha ugu weyn ee Xildhibaanada ayaa ah, sidii ay isaga dhex soo saari lahaayeen guddiga qaban-qaabada doorashada shir-gudoonka baarlamaanka.

Guddoomiyaha kumeel-gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaam Dhabancad ayaa xildhibaanada ka codsadey in isagu uu soo qabto 10 Xildhibaan oo noqonaya guddiga qaban-qaabada, laakiin Xildhibaanada ayaa taas ka diidey, waxaana ay dalbadeen in shanta beelood mid walba iyadu ay iska soo sarto laba Xildhibaan oo guddiga ka mid noqda. Horey sidaan uma dhici jirin waxaa guddiga soo saari jirey guddoomiyaha kumeel-gaarka ah, kadibna Xildhibanadu waa ansixin jireen.

Kadib dXildhibaanada ayaa isu qaybshey beelaha ay ka soo kala jeedaan dood yar oo qolokasta dhankeeda u yeelatey ayey iska soo xuleen qolo kasta laba xubnood., waxaana ay kala yihiin:

  1. Cabdirisaaq Cumar maxamed (Hawiye)
  2. Xuseen Maxamed Nuur (Haweiye)
  3. Xaaji Cali Max’ed Nuur- (Digil & Mirifle)
  4. Maxamed Abukar Cabdi (Digi & Mirifle)
  5. Dahabo Suusow Maxamud (Beesha 5aad)
  6. Qaasim Cilmi Seed (Daarood)
  7. Cumar Sharif Jeeg- (Beesha 5aad)
  8. Nasro Mahdi Caraale (Dir)
  9. Cabdullaahi Xassan Rooble (Daarood)
  10. Maxamed Xuseen Haadi ( Dir)

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *