Kismaayo: Madaxweyne Axmed Madoobe Oo La Kulmay Guddiga Feit

Published: April 17, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer federaal Muuse Geelle Yuusuf, oo ay wehelinayaan gudiyada kala duwan ee doorashooyinka.

Kulanka ayaa lagaga hadlay qabsoomida doorashada deegaan doorashada labaad ee Jubaland ee Magaalada ceelwaaq iyo sidii loo dardar galin lahaa iyadoo Madaxweynahu uu balan qaaday in Jubaland ay diyaar la tahay wixii tageero ah oo ay guddiyadu uga baahan yihiin.

Guddiga Doorashada Heer Federaal oo maanta gaaray magaalada Kismaayo ayaa socdaalkoodu salka ku hayaa doorashada kuraasta gobolka Gedo oo asteeyey in lagu qabto degmada Ceel-waaq kadib markii laga wareejiyey degmada Garbahaareey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *