Axmed Karaash oo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Mudug

Published: April 25, 2022

Kusimaha Madaxweynaha, ahna Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Magacaabay Guddoomiyaha Gobalka Mudug.

No description available.

Kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne ku xigeenka ayaa Wareegto ka soo baxaday Xafiiskiisa ugu magacaabay Faysal Shiikh Cali Maxamed Guddoomiyaha gobolka Mudug.

“Waxaan Guddoomiyaha gobolka Mudug u Magacaabay Mudane Faysal Shiikh Cali Maxamed” ayuu yiri Axmed Karaash.

Magacaabida Gudoomiyaha cusub ee gobolka Mudug ayaa imaanaysa iyada oo Madaxweyne Axmed Karaash uu wadey dedaalo ku aadan dardargelinta maamulka.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug ayaa noqdey Xildhibaan waxaana dastuurku u diidayaa in uu hayo xil caynkaas oo kale ah.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *