Maalqabeenka Elon Muska oo iibsanaya Shirkadda Twitter

Published: April 26, 2022

Guddiga Sare ee shirkada Twitter ayaa ogolaaday heshiiska uu usoo bandhigay Elon Musk oo doonaya in lacag gaareysa $44 bilyan oo dollar ku iibsado gebi ahaan shirkadaasi.

Horaantii bishan ayuu Musk iibsaday Share-ka ugu badan shirkadaasi, isagoona hada codsaday in shirkada iibsado isagoo bixinaya lacag ka badan qiimaha hada shirkadaasi joogto oo ah wax ka yar $38 bilyan oo dollar.

Maalqabeenka Elon Musk oo ay u badan tahay in uu la wareego Twitter-ka ayaa dhalisay dood ka taaagan dalka Maraykanka oo ku saabsan xorriyadda hadalka iyo doorka baraha bulshada ay ku leeyihiin faafinta xogta.

Musk ayaa sheegay inuu doonayo in Twitterka noqdo halka qof walba uu ku dhiiban karo fikrikiisa si xor ah, isla markaana meesha ka saari doono shuruucda hada Twitterka ku maamusho qoraalada lagu baahiyo bartaasi, qorshaha Musk ayaa laga cabsi qabaa inuu meesha ka saaro nidaamka Twitter ee looga hortago faafinta wararka beenta ah.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *