Sen Cabdi Xaashi oo mar kale loo doortay guddoomiyaha Aqalka Sare

Published: April 26, 2022

Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulan ay ku dooranayaan shir guddoonkooda, kulanka ayaa ka dhacay teendhada Afisiyoone ee gudaha Xalane.

Kulanka waxaa soo xaadirey dhamaan 54 Senator ee Aqalku ka kooban yahay.

Saddex Musharax ayaa ku tartamey doorashada waxaana ay martey hal wareeg oo keliya, waxaana ku guuleystey Sen Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo kamid ah Xildhibaanada Gobolada Waqooyi (Somaliland)

  • Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi 28 cod
  • Sen. Saalax Axmed Jaamac 24 cod
  • Sen. Cismaan Dubbe 2 cod

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *