Midowga Afrika oo cambaareeyay weerarkii Al-shabaab ee xerada ATMIS

Published: May 4, 2022

Gudoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa war ka soo saaray weerarkii ay kooxda Al-Shabaab shalay kula wareegtay saldhig ay ciidamada Burundi ku lahaayeen deegaanka Ceel Baraf oo dhinaca Waqooyi ka xiga magaalada Jowhar.

Bayaan uu soo saaray guddoomiyaha Midowga Africa Moussa Faki Mahamat ayuu ku sheegay inuu si adag u cambaareynayo weerarkan.

Sidoo kale waxa uu intaas ku daray in aysan weerarkan foosha xun aysan hoos u dhigi doonin go’aannada ciidamada ATMIS.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay dileen 173 ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, iyagoo sidoo sheegtay in ay gacanta ku dhigeen ciidamada kale oo ay ku sheegeen maxaabiis dagaal. Labada sheegasho si madax-banaan looma xaqiijin karo.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee gaaray ciidan ka tirsan ATMIS Ex AMISOM marka laga reebo weerarkii sanadkii 2016 Shabaab ay ku galeen deegaanka Ceel Cade oo saldhig ay ku lahaayeen ciidanka Kenya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *