Madaxweynihii dalka Imaaraadka carabta oo geeriyooday

Published: May 13, 2022

Madaxweynihii dalka Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ayaa goor dhoweyd geeriyooday, sida ay shaacisay wakaaladda wararka dalkaas ee WAM.

Sheekh Khalifa, oo ahaa 73 jir ayaa muddo sanado ah la xarbinayey xanuuno.

“Wasaaradda Arrimaha Madaxtooyada waxay shacabka Imaaraadka Carabta iyo Dunida Islaamka uga tacsiyeyneysaa geeriday Sheikh Khalifa bin Zayed Al-Nahyan oo geeriyooday Jimce 13-ka May,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wakaaladda WAM.

Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ayaa sidoo kale ahaa amiirka Imaaraadda Abu Dhabi oo ka mid ah toddabada Imaaradood ee dalkaas uu ka kooban yahay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *