Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay guddiga abaraaha & Wakiilka QM

Published: May 18, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan la yeeshay guddiga abaraaha.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda abaaraha dalka ka jira iyo doorka dowladda federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa guddiga ka dhageysatay warbixin ku aadan howlihii gurmada ee loo magacaabay iyo xaaladda abaareed ee hanta taagan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay maanta wakiilka gaarka ah ee Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya Ambassador James Swan.

James Swan ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu maanta Muqdisho kula kulmo oo uu si shakhsi ah ugu hambalyeeyo Madaxweynaha dhowaan la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ka xog wareystay arrimaha mudnaanta u leh maamulkiisa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *