Gudoomiye Cabdi Xaashi oo la kulmay Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya

Published: May 22, 2022

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xashi Cabdullahi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dalka Itoobiya u qaabilsan Soomaaliya Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan.

Kulanka ayaa ahaa mid uu Safiirka Itoobiya Guddoomiyaha ugu yimid salaan iyo hambalyo ku aaddan dib u doorashadiisa.

Labada Masuul ayaa ka wara hadlay Arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay adkaynta xiriirka diblumaasiyaddeed ee labada Dal.

Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xashi Cabdullahi ayaa Safiirka uga mahad celiyay dadaalka ay dowladda Itoobiya uga qeyb qaadaneyso nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya, halka safiirka uu sheegay in dowladda Itoobiya ay wadashqeyn dhow la yeelan doono dowladda Cusub ee DFS.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *