Madaxweyne Farmaajo oo markii u horeysey ka hadley ciidanka Ereteeriya lagu tababaray.

Published: May 23, 2022

Madaxweynihii hore Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xil wareejintii maanta markii u horreysey ka hadley ciidanka Soomaaliyeed ee mudada dheer tababarka ugu maqnaa dalka Ereteeriya kuwaas oo dood badan dalka ka dhaliyey.

Farmaajo ayaa sheegay, in ciidankaas tababar wanaagsan dhamaysteen, oo ay hayad in ay dalka dib ugu soo laabtaan si ay al-Shabaab uga xoreeyaan meelaha ay dalka ka joogaan.

Sababta dib u dhaca ciidankaas in la soo celiyo ama la soo daabulo ayuu ku sheegay in ay ahay xaaladda dalku ku sugnaa iyo arrimaha doorashada oo laga cabsadey in ay dhaliso muran kale.

Farmaajo ayaa sheegay in ciidankaas uu ku wareejiyey Madaxweynaha cusub ee xilka la wareegay Xassan Sheekh Maxamuud, uu dalka dib ugu soo celiyo.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa dhankiisa sheegay in sida ugu dhakhsiyaha badan ciidankaas loo soo dabaaluaayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *