RW Rooble oo booqasho ugu tegay Madaxweyne Xasan Sheekh

Published: May 23, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho ugu tagay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta xafiiska la wareegay.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa warbixin ka siiyay socdaalkii uu ku tagay dalka Imaaraadka Carabta kaas oo qaatay muddo 4 maalin ah.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha ayaa uga warbixiyey habsami u socodka howlaha xukuumadda.

Xasan Sheekh ayaa maanta si rasmi xilka Madaxweynaha JFS ugala wareegay Madaxweynihii ee sagaalaad ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *