Wafdi hordhac u ah booqashada Madaxweyne Xassan sheekh oo gaaray Dhuusamareeb 

Published: June 1, 2022

Wafdi u hogaaminayay Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo ay qayb ka ahayeen Agaasime kuxigeenka Madaxtooyada Soomaaliya, Xildhibaano Fadaraal ah ayaa manta so garay Caasimada Dowlad Goboleedkaas ee Dhuusamareeb.

Wafdigaan ayaa hordhac u ahaa boqashada Madaxweynaha JFS Hasan Sheikh mohamud uu ku imanayo Caasimada Galmudug ee dhuusamareeb. 

Wafdiga waxaa Magalada Dhusamareeb ku so dhaweyay Wasiiro ka tirsan Galmudug, Xildhibaano, Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud, Duqa Caasimada Dhuusamareb iyo qeybaha bulshada Caasimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo safarkiisii ugu horreeyey haatan ku jooga Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koonfur galbeed iyadoo maalmaha soo socda uu safarkiisii labaad ku tego doono Magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *