Fahad Yaasiin: “Rooble, Mahad Salaad iyo Al-Cadaala iyo gacan shisheeye ayaa fulisey dilka Ikraan Tahliil”

Published: June 11, 2022
Shares2

Taliyihii hore ee hay’adda NISA Fahad-yaasiin Xaaji Daahir oo bixiyey waraysi aad xasaasi u ah ayaa markii u horreysey si furan uga hadley dilkii Ikran Tahliil, taas oo hawl culus gelisey Dowladda, kadib markii ay soo baxdey in ay ka tirsaney hay’adda NISA.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in Ikran Tahliil ay NISA ka mid noqotey xiligii uu madaxda ka ahaa Cabdullaahi Sanbalooshe, laakiin mudadii uu isagu xilka hayey aan wax xil ah loo dhiibin gabadhaas, inkasta oo shaqaalaha soo mara hay’adda ay yihiin kuwo la tirsado oo markii la doono loo adeegsado shaqo.

Fahad Yaasiin ayaa si toos ah ugu eedeeyey dilka Ikran tahliil in uu ahaa mu’aamarad la doonaayey in dhibaato loogu geysto hay’adda NISA waxaana iska kaalmeystey laba Dowladood oo shisheeye, Maxamed Xuseen Rooble, Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Al-Cadaala, Xildhibaan Mahad Salaad iyo Mahad Karataay oo madax u ah al-Shabaab.

Ikran Tahliil ayuu sheegay in ay shaqo u doonatey xafiiska raysalwasaaraha muddona ku wareegeysey, habeenkii 26 June waxaa gaari ku qaadey Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Al-cadaala, waxaana uu u geeyey Xil. Mahad Salaad oo isaguna geeyey xaafadda Daaru Salaam oo ay deggan yihiin dadka ladan, halkaas ayaa laga kaxeeyey waxaana loo geeyey Hoggaamiyaha al-Shabaab Mahad Karataay deegaanka Jilib ee Jubada Dhexe, sida uu sheegay Fahad Yaasiin. Mahad Karataay ayuu sheegay in uu xiriir dhaw la lee yahay Xil. Mahad Salaad oo hadda loo magacaabey taliyaha NISA.

Taliyihii hore ee NISA oo markii u horreysey dhinaciisa faahfaahiyey dilka Ikran Tahliil ayaa sheegay in warbixinta uu maanta shaaciyey uu doonaayey in uu golaha Amniga Qaranka ka horsheego, laakiin waxaa diidey Raysalwasaare Rooble oo ogaa sida wax u dhaceen.

Fahad Yaasiin, ayaa hoosta ka xariiqey in dhibaateyntii lagu sameeyey ee Jabuuti ka dhacdey, ay ahayd mu’aamarad la xiriirtey dilka Ikran Tahliil.

Taliyihii hore ee NISA ayaa diidey in uu magacaabo labada Dowladood, inkasta oo weriyaha waraysanaayey Faarax Cabdulqaadir uu weydiiyey Ma kenya iyo Imaraadka carabta, waxaana uu ku jawaabey anigu kuma oran, mana diidin oo ma oran iyaga maaha.

Dilka Ikran tahliil ayaa loo isticmaaley arrimo badan oo siyaasadeed, sida in xilkii laga qaadey Fahad Yaasiin, murankii Rooble iyo Farmaajo iyo in Xildhibaanimada loo diido Fahad Yaasiin.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *