Howgal ka dhan ah Al shabaab oo laga sameeyey dagmooyinka Matabaan & Beledweyn

Published: June 17, 2022

Ciidamada xooga dalka ayaa saaka howgalo ka dhan ah Al-shabaab ka bilaabay inta u dhaxeysa dagmooyinka Matabaan iyo Beledweyn ee gobolka Hiiraan.

Sakaariisha hogaamineyso howl-galka ayaa sheegay in dhowr aag laga weeraray maleeshiyad ka tirsan  Al-shabaab oo ku dhumaaleysanaya deegaanno hostaga dagmada Matabaan.

Howl-galka ayaa waxaa qayb ka ah maamulka gobolka Hiiraan uu hor kacayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Howlgalka marka uu soo idlaado kadib ayaa la filayaa inay Maamulka ka warbixiyaan ujeedkiisa.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *