Aadan Madoobe oo ka hadlay sababta diidaysa in xildhibaannada lagu cadaadiyo kulamada BF

Published: June 21, 2022

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa sheegay in Xildhibaannada ka maqan fadhiyada Golahaas lala xisaabtamayo si aanay u dhicin baaqasho ka dhalata kooramka uu ku furmi karo shirkooda.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa sheegay in gunno fadhi oo lacago lagu siinayo Xildhibaannada lagu soo kordhin doono si loo helo shuruuc toos ah oo qabta Xildhibaanka sida uu hadalka u dhigay Afhayeenka Golaha Shacabka BFS.

Lacagtaas ayuu tilmaamay in ay lamid tahay mushaarka la siiyo Dowladda, marka uu fadhiga tagana uu qaadanayo haddii uu maqnaadana bilaa cudur daar lala xisaabtamayo sida fasaxyada u banneenaya in uu maqnaado mudanaha balse lala ogyahay.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa Meelaha laga helayo lacagtaas gunnada ah ku sheegay ay yihiin canshuurta ay qaado Dowladda Federaalka iyo lacagaha lagu kaalmeeyo Soomaaliya si lamid ah shuruucda lagu hayo fadhiyada Baarlamaannada Caalamiga ah.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhanka kale sheegay in Baarlamaanka uu ka shaqeynayo sidii loo qaban lahaa Doorasho ka duwan middii lagu qabtay Hangarka Afisiyooni ee lagu doortay labadii Dowlad ugu dambeeyay.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *