Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatey shaqaalaha xafiiskiisa

Published: June 29, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre oo maanta si rasmi ah ugu shaqo bilaabay, ayaa kulammo la yeeshay maamulka, Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo hoggaannada tiirarka mudnaanta u leh qorshaha XFS.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa mas’uuliiyiinta Xafiiska ee uu kulammada la qaatay uga mahadceliyay shaqada wanaagsan ee ay qaranka u hayaan.

Sidoo kale waxa uu ku boorriyay in ay sii laba jibbaaraan shaqadooda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sidoo kale kormeeray qeybaha iyo waaxyaha kala duwan ee Xafiiska isagoo warbixinno ka dhageystay agaasimeyaasha iyo howl-wadeennada qaarkood.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *