Ra’iisul Wasaare Xamse “Gabar Afrikaan ah inay iga ilaaliso qof Soomaali ah, lama aqbali karo”

Published: June 30, 2022

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyey xaflad soo dhaweyn ah oo hotel Jazeera ay ugu sameeyeen ardaydii wax ku soo baratay dalka Malaysia ayaa ka hadlay dhowr arrimood oo uu ku sheegay inay nasiib darro ku tahay umadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uusan aqbali karin in gabar ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS oo aan muslim aheyn ay ammaankiisa sugto oo ka ilaaliso dad kale oo Soomaaliyeed.

“Madaxtooyada aan deganahay in gabar yar oo Afrikaan ah oo aan Muslim aheyn ay iga ilaaliso qof Soomaali ah, wax la aqbali karo maahan,” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse Barre.

Sidoo kale wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in dadka Soomaaliyeed oo heysta dhul qani ah ay gaajo iyo harraad u dhintaan, iyagoo u muuqda biyaha webiyada mara qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *