3 Arday kasoo jeeda Falastiin oo lagu toogtay Mareykanka

Published: November 27, 2023

Weerarkan ayaa habeenkii Sabtidii ka dhacay gobalka Vermont ee dalka Mareykanka, waxaana la sheegay inuu geystay nin cadaan ah.

Sadexddan arday oo booqasho ku joogay magaalada Burlington ayaa watay cimaamado xiliga la tooganayey.

Wiilashan oo sadexdooduba ah 20 sano jir ayaa lagu kala magacaabaa; Tahseen Ali Ahmed, Kinnan Abdalhamid iyo Hisham Awartani.

Dhaawacyada soo gaareysa sadexdda wiil ayaa la sheegay in mid uu culus yahay, halka labada kale xaaladoodu soo hagaageyso sida ay sheegeen dhakhaatiirta.

Falkan ayaa la tuhunsan yahay inuu ahaa mid cunsurinimo, booliiska ayaa sheegay inay qabteen eedaysanaha lagu magacaabo Jason J. Eaton oo 48 sano jir ah.

Eedaysanaha oo ku hubeysnaa bistoolad ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay sadexdda wiil isagoo aan xataa la hadlin.

Weerarka ayaa ka dhacay nawaaxiga Jamaacada Vermont ee magaalada Burlington.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa kusoo badanayey sanadihii lasoo dhaafay weerarada ay geysanayaan cunsuriyiinta oo intooda badan bartilmaamsada Muslimiinta.

Weeraradan ayaa sare usii kacay wixii ka danbeeyey weerarkii 7dii Oktoober ee Gaza.

Bishii Oktoober bartamaheedii ayuu nawaaxiga magaalada Chicago ku dilay nin cunsuri ah wiil yar oo 6 sano jira oo kasoo jeeda Falastiin.

Horseed Media