Boosaaso: 4 Caruur Ah Oo Dab Ku Dhimatay

Published: July 15, 2020

4 caruur ayaa ku dhimatay gurya kalena waa ku gubteen Dab maanta barqadii ka kacay xaafadda horseed ee magaalada Boosaaso.

Dabkan oo kacay xili saaka dabayl xoogan ka dhacaysay magaalada Boosaaso ayaa sababay inuu dabku sii fido, waxayna dad goobjoogayaal ah inoo xaqiijiyeen in dabku ka bilowday birjiko cunada lagu kariyo, taasoo qabsatay mid kamid ah guryaha oo ka samaysnaa cooshado.

Maamulka Gobolka Bari iyo kan degmada Boosaaso oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay dabka ayaa tacsi u diray dadka ay caruurta ka geeriyoodeen, iyagoona umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in lasoo caawiyo dadkan danyarta ah oo caruurtoodii iyo guryahoodiiba waayey.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *