Jawaabaha Laga Bixiyay Mashruucii uu Hakiyay Ra'isul Wasaare Khayre

Published: January 18, 2020

Ra’isul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta joojiyay fulinta Mashruuc ku kacaya 112 Milyan oo dollar oo lagu hormarinayo magaalooyinka Muqdisho, Garoowe, Hargaysa, Kismaayo iyo Baydhabo.

Agaasimaha wasaaradda waxbarashada Puntland Maxamed Cali Farmayeeri ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebooga wuxuu sheegay in Joojinta mashruucaasi uu shaki galin karo wax wada lahaanshihii iyo nidaamkii Federaalka

Raisal wasaare khayre mashaariic aduunku ku caawinayo magaalooyin Soomaaliyeed inuu ka joojiyo halkii ay ahayd in ay dawlad ahaan wax ugu daraan. Ku darsoo deeqihii waxbarashada shahaadooyinkii mashaariicdii waxbarashada ay dawladiisu carqaladaysay marka sidee wadaagii iyo wada lahaanshihii federalka noqonayaa????????????? 

Soomaaliya#madhawa.

https://www.facebook.com/Farmayeeri/posts/2737843359639226

Wasiirkii hore ee Wasaarada arrimaha gudaha Federaalka Cabdi faarax Juxa ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ka falceliyay joojinta mashruucaasi, wuxuuna ka codsaday ra’isul wasaaraha inuu fasaxo

Mudane Raysal wasaare,Mudane Madaxweyne, U ogolaada in ardaydu wax barato, U ogolaada in magaalooyinku dhismaan.Wax soo kordhiya ee ha noqonina “wax is-hortaagayaal.”

Fasaxa mashaariicda horumarinta magaalooyinka ee sannadaha badan laga soo shaqaynayey.

https://www.facebook.com/Honjuxa/posts/1475128675985645

Heshiiskii Dowladda Federaalk iyo Gobolka Banaadir.

Ka hor intii uusan soo bixin amarka lagu joojinayo Mashruucaasi ayaa Wasiirka Maaliyadda XFS, wasiirka howlaha guud XFS iyo duqa magaalada Muqdisho waxa ay si wadajir ah u wada saxiixeen heshiiskaas

Qaybta magaalada Muqdisho uga soo aaday lacagta 112 Milyan ayaa lagu sheegay inay tahay ku dhawaad 28-Milyan.

Wasiirada Maaliyadda iyo howlgalaha guud oo warbaahinta la hadlay waxaa ay sheegeen in dowlada federaalka Soomaaliya ay gudaha dalka kawado mashaariic kala duwan oo lagu horumarinaayo dib udhiska dalka.

https://www.facebook.com/GobolBanadir/posts/2475759042662840

Mashruucan oo lacagta ku baxaysa uu ku deeqay Bangiga adduunka, islamarkaana la filayay in sanadkan ka fulo magaalooyinkaas loo qoondeeyay.

Joojinta mashruucaas ayaa Xafiiska Ra’iisul Wasaare Kheyre wuxuu ku sababaeeyay inuu la xiriiro in dib u eegis lagu sameyn doono mashruuca, waxaana laga qeyb gelin doonaa dhammaan dowlad goboleedyada.

https://www.facebook.com/issamohamud.farah/posts/2569571389945948
https://www.facebook.com/ahmed.jookar/posts/2793939767340084

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

3 Comments

  1. Bqadol iyo dulmi weeye in afar magaalo ama lix magaalo lagu soo koobo Somalia,Juxa wuu uhadli karaa magaaladiisa Garowe,laakiin nasiib daro aniga iyo dadka ila.midna ah markaan uhadalno magaalada aan kasoo jeedno was Reer hebel qyqqd necebtahay,waxaa dhici karta dad ka dhashay inay Bosaso,Beletweyne,Galkacayo iwm, horboodayaan iyagoo ka eegaya mucaarad.

  2. Xaqu Feeruhu ka dilaca.
    Arrintaan dhacday marka sibtaxadar leh loo eego waxay u egtahay in usan waxba kala socon Raysal-wasarhu ee uu ku salalay. Waxayna u muqataa waxyslaha loo joojiysay isagoon aan dantiisa ka dhex arag. Sidaas darteed, ugu yaraan waa in uu dhalan rogo Masharicdaas amaba la lunsado lacagtaas madama lugu jiro xili ka guur ah lacagtuna ay tahay lacag badan.

  3. Hal waliba meeshay is-dhigtaa lagu qalaa!!’
    Dawladii federalku waxay noqotay dawlad fidno. Waxase fursadaas siiyey dawladaha weli sheeganaya inay xubno ka yihiin iyagoo:
    1) Loo diiday inay dekedo dhistaan
    2) loo diiday tasdiiqinta shahaadooyinkoodii
    3) laga faqooqay tababaradii ciidamada
    4) laga reebay dhismaha ciidan federal ah
    5) laga sifeeyay jagooyinkii federaalka
    6) laga joojiyay qoondihii gargaarka caalamka
    7) laga xannibay duulimaadyadii hawada
    8) loo adeegsaday ciidamo ajnabi
    9) la farageliyay doorashoyinkoodii
    10) la siyaasadeyay mashrucii loo qoondeeyay dhismaha magaaloyinka xasiloon

    Dhanka kale, su’aashu waxay tahay dawlad goboleedyada aqbalay 9ka qodob oo hore maxay kii 10aad u diidayaan, ma lacag keliyaa u daran?