Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa maanta ku kulmay…
Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa maanta ku kulmay madaxtooyada Puntland ee waqooyiga magaalada Gaalkacyo.
Labadan masuul oo markii ugu horeysay kulmay ayaa ka wada hadlay iskaashiga amniga, xoojinta nabadda iyo dhaqaalaha, dib-u-heshiisiinta iyo xiriirka labada maamul goboleed.
Kulanka madaxweynayaasha ayaa kusoo beegmaya xili laga dayrinayo amniga magaalada Gaalkacyo oo bishii May/2020 qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay lagu dilay gudoomiyihii gobolka Mudug ee dhanka Puntland, alle ha u naxariiste Axmed Muuse Nuur.
Horseed Media