Xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa Maanta oo Arbaco ah, waxaa…
Xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkoodu dhammaaday ayaa Maanta oo Arbaco ah, waxaa la filayaa in kulan ay ku yeeshaan Xarunta Villa Haegeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajanadaha kulanka Xildhibaanada ayaa ah cudurka halista ah ee COVID-19, u codeynta laba xubnood oo kamid noqonaya guddiga madaxa-banaan ee xuduudaha iyo U codeynta sharciga Qaxootiga Qaranka.
Dhanka kale waxaa maanta xiran waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, waxaana ku sugan ciidamada booliska, kuwaas oo wadada ku gooyey gaadiidka dagaalka.
Wadooyinka la xirey ayaa waxaa ka mid ah wadada Maka Al Mukarramah iyo Jidka Wadnaha.
Horseed Media