Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Insaanka Puntland ayaa war kasoo saaray xaaladda dadkii laga soo musaafuriyay magaalada Laascaanood…
Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Insaanka Puntland ayaa war kasoo saaray xaaladda dadkii laga soo musaafuriyay magaalada Laascaanood kadib markii uu kormeer ku tagay xaaladda nololeed ee Qoysaska la dejiyay duleedka Gaalkacyo.
War kasoo baxay Xafiiska ayaa lagu sheegay in barakacinta khasabka ah ee dadkan rayidka ah ay yihiin falal xadgudub ku ah shareecada Islaamka iyo Xeerarka Caalamiga, wadanoolaanshaha bulshada Soomaaliyeed iyo dhaqamada bahdilka iyo ciqaabta ah.
Xafiiska Difaacaha Xuquuqul Insaanka Puntland ayaa ugu baaqay Hay’adaha Caalamiga iyo kuwa Maxaliga in ay gargaar bini aadanimo oo deg deg ah loo fidiyo Qoysaska lasoo Masaafuriyay.
Hoos ka akhriso Qoraalka oo dhameystiran
Horseed Media