Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka , Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabey Wasiiru Dowlaha Qorsheynta iyo wasiir ku xigeenka waxbarasada iyo tacliinta sare, kadib markii wasiiradii xilkaas hayey ay maalintii Axadda iska casileen.
Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Axmednur Shiikh Maxamed Loxoos, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.
Laxoos ayaa soo noqdey wasiirka ganacsiga ee Koonfur Galbeed, waxaana lagu beddeley Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle oo xilkaas iska casiley isaga oo ku mudaaharaadaya raysalwasaaraha khilaafka ka dhexeeya dowladda iyo Jubaland darteed.
Sidoo kale raysalwasaaraha ayaa u magacaabay Xil. Cabdirashiid Maxamed Ducaale (Colow), Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, xilkaas oo uu iska casiley Xildhibaan Daqare.
Cabdirashiid Ducaale ayaa ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda waxaana laga soo doortaa Jubaland gaar ahaan gobolka Gedo.
HORSEED MEDIA