Al Shabaab oo weerar ku qabsatay Bacaadweyne ee koonfurta Mudug

Published: November 30, 2020

Wararka saaka oo Isniin ah kasoo baxay deegaanka Bacaadweyne ee koonfurta gobalka Mudug ayaa sheegaya in kooxda Al Shabaab ay weerar culus la beegsatay deegaankaasi.

Weerarkan oo la sheegay in Al Shabaab u adeegsatay qaraxyo waaweyn oo ay la beegsadeen ciidamada halkaasi ku sugnaa, iyadoo lasoo sheegayo in Al Shabaab ay gudaha u gashay deegaankaasi.

Kooxda Al Shabaab ayaa la sheegay inay dib uga baxday deegaanka Bacaadweyne kadib markii ciidamada dowlada ay garab ka heleen shacabka deegaankaasi oo dagaal kala hortagay kooxdaasi oo la shaqeegay in laga dilay tiro kamid ah maleeshiyaadkii gacantana lagu dhigay 2 kamid ah oo dhaawacyo qaba.

Kooxda Al Shabaab ayaa bilihii lasoo dhaafay dhaq dhaqaaq xoogan ka waday koonfurta Mudug iyo gobalka Galgaduud ee hoostaga maamulka Galmudug.

Dhawaan ayey ahayd markii ay kooxda Al Shabaab hubka lidka diyaaradaha la beegsadeen diyaarad siday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor-Qoor oo xiligaasi ka duulayey caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *