Al-Shabaab oo weeraro ku qaaday degaano hoostaga degmada Mandheera

Published: August 9, 2022

Ururka Al-Shabaab ayaa saaka weeraro ku qaaday Saldhigyo ay Ciidamada Kenya ku leeyihiin degaano hoostaga Magaalada Mandheera ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa weeraray Saldhigyada deegaanada Waraabeeyo iyo Ilie oo hoostaga magaalada Mandhera.

Weerarka koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Ilie, kaas oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Sidoo kale, weerarka labaad ayaa Ururka Shabaab waxay ku qaadeen deegaanka Waraabeeyo oo hoostaga magaalada Mandheere, waxaana lasoo sheegayaa in Al-Shabaab qaraxyo ku bur buriyeen dhismo ay dowladda Kenya ugu tala gashay in doorashada ka dhacdo.

Weeraradan ay AlShabaab ku qaadeen labadaasi deegaan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli si ramsi ah loo shaacin.

Weeraradaan Al-shabaab ka geysteen deegaanada ka tirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa kusoo beegmaya xili Maanta dalka Kenya ay ka bilaabatay doorashada Madaxtinnimada dalkaasi Kenya oo dadweynuhu ay codeeynayaan.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *