AMISOM oo tababarka maareynta Maaliyada u furtay Saraakiisha Booliiska

Published: January 31, 2022

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) iyo Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay Axaddii in ay billaabeen tababarka maamulka maaliyadda oo socon doona muddo toddobaad ah oo la siinayo saraakiisha sare iyo kuwa dhexe ee Booliska Soomaaliyeed.

Tababarka ayey ka qeyb galayaan 18 sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ka kala socda waaxyaha saadka, isgaarsiinta, iyo gaadiidka; iyo kuwa kale oo ka socda Agaasinka Tababarada iyo Qorsheynta ee Booliiska, waxaana looga gol-leeyahay in sare loogu qaado xirfadooda xakameynta iyo maaraynta dhammaan hantida Booliska Soomaaliyeed, ayuu yiri howlgalka Midowga Afrika.

“Hantida booliisku waxay taageertaa wax-ku-oolnimada iyo hufnaanta urur kasta oo booliis ah,” ayuu yiri Augustine Magnus Kailie, taliyaha booliiska AMISOM.

Kailie waxa uu sheegay in tababarkan oo kale uu u ogolaanayo ururada boliiska in ay awood u yeeshaan in ay soo iibiyaan hantida, helaan, ilaaliyaan, la socdaan oo ay xisaabiyaan isticmaalkooda iyo sidoo kale ka warqabka hababka saxda ah ee asturidda.

Waxa uu sheegay in tababarkan oo la jaanqaadayo waajibaadka tayeynta booliska AMISOM ee gacanta siinaya Booliiska Soomaaliya, uuna kor u qaadi doono la xisaabtanka hantida Booliiska.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *