Published: April 17, 2021

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay salaadda janaasada Allaha u naxariistee Guddoomiyihii Degmada Xamar jajab oo xalay lagu dilay xaafada Sarkuusta ee deegaanka Garasbaaley.
Aaska Marxuumka waxaa ka qeyb galay xubno ka maamulka Gobolka Banaadir, ehelada marxuumka iyo dadweyne aad u fara badan, waxaana lagu aasay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Marxuumka la aasay ayaa xalay kooxo hubeysani ay ku dileen xaafadda Sarakuusta oo ku taala duleedka magaalada Muqdisho.
Horseed Media