AUN Meydka Xildhibaan Aamino Maxamed oo lagu Aasay Muqdisho

Published: March 25, 2022

Alle ha u naxariistee waxaa Maanta oo Jimce ah qabuuro kuyaalla Isbitaalka xoogga ee Magalada muqdisho lagu Aasay Meydka Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo Nabaddoonkeeda, kuwaas oo habeen ka hor ku geeriyooday qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Shalay ayaa meydadka la soo gaarsiiyay Magaalada Muqdisho, waxaana Salaada Janaasadda ee lagu dukaday ka qeyb galay, Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaashii hore ee dalka Ra’’iisul Wasaare Hore Xasan Cali kheyre & mas’uuliyiin kale.

Aaska Maanta ee meydka Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo Nabaddoonkeda ayaa waxaa ka qeyb galay qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Beesheeda, Nabaddoono, waxgarad, Siyaasiyiin iyo dad kale oo kamid ahaa Asxaabta Xildhibaannada.

Qaar kamid ah dadka ka qeyb galay Aaska oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin geerida Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, iyaga oo dowladda Soomaaliya iyo mamulka Hirshabeelle ka codsaday in baaritaanka dhan ah lagu sameeyo dilka xildhibaanada.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo shir jaraa’id shalay ku qabtay Magaalada Baladweyne waxa uu sheegay in qaraxyadii ka dhacay Baladweyne labo habeen ka hor ay ku geeriyoodeen 48 qof halka dhaawacyo kale duwan ay soo gaareen ilaa iyo boqol iyo sideed ruux oo kale.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *