Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa guddi u magacaabay hubinta, kormeerka iyo dhaqangalka go’aanka Shirkii nabadaynta ee ka qabsoomay deegaanka Saax-meygaag ee Gobolka Sool.
Guddiga uu magacaabay Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka kooban 7-xubnood ayaa ka shaqeyn doona hubinta iyo dhaqangalka go’aanka Shirkii nabadaynta ee maleeshiyo beeleed ku dagaalamay maalmo kahor degaanka Saax-meygaag.
Guddiga ayaa kormeer ku samayn doona in la kala qaaday maleeshiyaadka labada dhinac ee is hor-fadhiyey, kuwaasi oo la kala geynayo sida uu qorshahu yahay deegaannada Boocame iyo Birta-dheer ee Gobolka Sool.
1- Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf. Gudoomiye
2- Shiikh Maxamuud Maxamed Xaliike. Xubin
3- Gen:- Axmed Taajir. Xubin
4- Caaqil Cismaan Ismaaciil Barre. Xubin
5- Caaqil Siciid Cismaan Shanlayste. Xubin
6- Caaqil Cabdullaahi Cali Barre. Xubin
7- Maxamed Maxamuud Ciise(Awoowe). Xubin
Horseed Media