Baarlamaanka oo maalinta Sabtida ah u codeyn doona 4-ta cutub ee dastuurka ee laga doodey

Published: March 28, 2024

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed ayaa maanta yeeshey fadhigoodi caadiga ahaa, kaas oo si rasmi ah loogu soo gudbiyey nuqulka kama danbeysta ah ee dastuurka federaalka, afarta cutub ee doodiisu dhamaatey.

Guddoomiyahadib-u-eegista iyo la-socodka hirgelinta dastuurka federaalka Xildhibaan Xuseen Iidow ayaa Xildhibaanada ka hor akhriyey nuqulka rasmiga ah. Xildhibaan Iidow ayaa sheegay in 316 Xildhibaan ay qodob qodob u dul istaagey afarta cutub oo ka kooban 61 qodob, waxaana ay ka dhiibteen aragtiyo badan taas oo nuqulka cusub lagu soo kordhiyey.

Cutubka afaraad ee Metelaada ayaa wax laga beddalay, waxaana meesha laga saarey Madaxweyne ku-xgineeka waxaana laga dhigey in Madaxweynaha ay soo dooranayaan shacabka Soomaaliyeed, isaguna uu Xisbigiisa ka soo maacaabayo Raysalwasaare kaas oo Madaxweynuhu lee yahay xil ka qaadista. udada xil haynta Goloyaasha Dowaldda ayaa laga dhigey shan sanno. Sidoo kale Dowlad goboleedyada waxaa Madaxweynaha iyo Xildhibaanadaba dooraanaya shacabka, magaca ah Madaxweyne ee Dowlad goboleedka waxa u noqonayaa Hoggaamiye “Leader”.

Dhanka tirada xisbiyada oo markii hore la soo bandhigey laba xisbi oo keliya ayaa laga dhigey Saddex Xisbi, kuwaas oo ka soo baxay doorashada goloyaasha deegaanka.

Guddiga doorashooyinka iyo Soohdimaha oo nuqulkii hore ahaa 15 xubnood ayaa hadda laga dhigey 18 xubnood.

Sheekh Aadan madoobe guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xildhibaanadu ay haytaan tan iyo maalinta Sabtida ah, kadib codka loo qaadi doono isla maalinta Sabtida ah.

Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland ayaa si weyn ugasoo horjeeda dhamaystirka dastuurka oo ay ku eedeysey in uu yahay dastuur cusub isla markaana dastuur ay ka maqan tahay aysan sinaba u oggolaan karin, Sidoo kale waxaa ka soo horjeeda Madaxweynayaashii hore Shariif Sheekh Axmed iyo Farmaajo iyo qaar kamid ah raysalwasaarayaashii hore.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *