Baarlamaanka Soomaaliyeed oo ansixiyey heshiiska Turkiga iyo Soomaaliya

Published: February 21, 2024
Shares142

Kadib markii Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed ay maanta oo Arabaca ansixiyeen heshiiska laba todobaad ka hor ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga kaas oo ku saabsanaa in dowladda Turkigu ay la wareegto amniga badda Soomaaliyeed oo iska leh mid kamid ah xeebaha ugu dheer Afrika.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isla maanta horgeeyey heshiiska labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda, oo maalintii shalay loo ballamiyey kulan xasaasi ah oo Madaxweynuhu kala soo qaybgalayo. Kulanka ayaa laga dhigay mid albabaadu u xiran yihiin oo saxaafadda banaanka loo saarey.

Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyey Xildhiaanada waxaana uu faahfaahiyey heshiiska. Madaxweynaha ayaa codsadey duruufo jira awgeed in heshiiska isla maanta ay ansixiyeen. Xildhibaanada labada Aqal ayaa heshiiska ku asnxiyey cod aqlabiyed leh, waxaana lagu wadaa in isla maanta uu saxiixo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Kadib marka la saxiixo heshiiska Dowladda Turkiga ayaa si toos ah uga hawlgeli doonta biyaha Soomaaliya oo waardiye ka qaban doonta, heshiiskan ayaa dhigaya:

  • Muddo 10 sano ah waxaa amniga badda Soomaaliya la wareegaya Turkiga
  • Waxaa laga hortagayaa dhammaan denbiyada ka dhici jirey biyaha Soomaaliya
  • Waxaa kor loo qaadayaa dhaqaalaha Buluuga ee Soomaaliya
  • Turkigu waxay tababarayaan oo dhisayaan ciidanka mariinka ee Soomaaliya

Biyaha Soomaaliya waxaa ka dhici jirey denbiyo waaweyn oo ay ka mid yihiin, gudbinta hubka sharci darada ah, kaluumeysiga sharci darrada ah, tahriibinta dadka iyo Burcadbadeeda.

Shir saxaafadeed

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saxaafadda la hadley kadib markii heshiiska la ansixiyey fadhiga albabaadu u xiran yihiin.

Madaxweynaha ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay 10 sano ayna la galeen Dowladda Turkiga oo ah mid ka duwan dhamaan dowladaha kale ee Soomaaliya u soo gurmadey.

“Waxaad ogtihiin in Soomaaliya leedahay bad weyn, taas oo ay ka dhacaan dhibaatooyin waaweyn oo ay ka mid tahay Burcad badeed, kheyraadkeena oo la xado, qashin lagu duugo baddeena, waxaa hadda soo baxay Itoobiya oo sheeganaysa in ay qaadaneyso qayb kamid ah baddeeni, sidaas darteed maadaama aynaan awood u lahayn waxaan heshiis 10 sano ah la galney Turkiga oo ah saaxiib weyn oo aan leenahay in ay ilaaliyaan baddeena, sidoo kale muddo 10 sano lagu dhiso ciidankii badda ee Soomaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Mar kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri Kenya waxaan isku hayney xuduudkeenu halkaan ayuu maraa iyo maya ee halkaan ayuu maraa waxaan ku kala baxney maxkamadda caalamiga ah ee ICJ, hadda Itoobiya teedu waa ka duwan tahay intey boqolaal kiilomitir oo dhul Soomaaliyeed ah soo marto ayey leedahay waxaan qaadaneynaa Baddiina, waxaan rajeyn in ay ka waantoobaan arrintaas ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga saldhigyada Turkigu ka dhisanayaan xeebaha Soomaaliya waxaase warar ku dhaw heshiiska sheegayaan in ay kamid yihiin, Hobyo, Laasqoray iyo Kismaayo.

Dowladda Turkiga oo ah saaxiib dhaw oo Soomaaliya leedahay, ayaa horey Muqdisho uga dhistey saldhigga mileteri ee ugu weyn ee ay dal kale ku leedahay, waxay tababar u fidisey kumaankun askeri oo ay qalabeysey, waxay ka qaybqaadatey la dagaalanka argagsixisada al-Shabaab.

Sanadkii 2011 markii Soomaaliya ay ka dilaacdey macalushu, waxaa dalka yimid raysalwasaarihii Turkiga ee hadda ah Madaxweynaha iyo familkiisi, waxaana ay garab istaageen Soomaaliya taas oo markii danbe madax badan ku dhiiradeen in ay yimaadaan Soomaaliya si loogu gargaaro.

Horseed Media