![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/02/Som-Masar1.jpg)
Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo uu wehliyo Safiirka JFS u jooga Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta, Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa ka qeyb galay munaasabad heshiis is-af-garad (MoU) ay ku kala saxiixdeen Bankiga dhexe ee Soomaalya iyo Masar.
Heshiiska is-af-garadka ah ayaa quseeya xoojinta wada shaqeynta labada Bangi, iyadoo ay kor u qaadi doonta dib u dhiska Bangiga dhexe iyo nidaamka maaliyadda ee Soomaaliya.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/02/Som-Masar3.jpg)
Dhanka kale guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa soo booqday xarunta Safaaradda JFS ee Masar, waxaana kusoo dhaweeyay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2022/02/Som-Masar2.jpg)
Guddoomiyaha ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta wanaagsan iyo xogta laga siiyay adeegyada ay Safaaradda bixiso, isagoo Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ku amaanay dedaalka uu ku bixiyay dib u dhiska Safaaradda iyo waxqabadka muuqda.