Baydhabo: 7dii xildhibaan ee ugu danbeeyey Kuraasta Koonfur Galbeed oo la doortay

Published: March 15, 2022

Toddoba Kursi oo ka harsanayd 69 xildhibaan oo ay degaan doorashoodu tahay koonfur galbeed ayaa maanta lagu doortay magaalada Baydhabo.

Xildhibaannada maanta lagu doortay Baydhabo ayaa kala ah Xaawo Sokor Ali, Maxamed Abuukar Abdi, Mahad Abdiraxmaan Aadan, Cumar Ali isxaaq, Isaaq Cali Subag, Maryan Macalin Isxaaq iyo Maxamed Keeroow Maxamed.

Koonfur galbeed ayaa noqoneysa maamul goboleedkii labaad ee soo gabagabeeya doorashada xildhibaannada golaha shacabka Soomaaliya, waxaana sidoo kale 21-kii Febaraayo 2022 soo dhamaatay doorashada xildhibaannada gobollada waqooyi (Somaliland).

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *