Beesha Caalamka oo si Wadajir ah ku baaqey in la ixtiraamo heshiiskii DHuusamareeb

Published: July 28, 2020

War saxaafadeed ay soo saareen dalalka iyo ururada taageera Soomaaliya ayaa si wadajir ah loogu baaqey in ay walaac ka muujinayaan dhacdooyinkii u danbeeyey ee Soomaalkiya ka dhaca oo ay ugu danbeysey tii Baarlamaanka, sidoo kale waxaa baaqan lagu adkeeyey in la ilaaliyo heshiiskii Dhuusamareeb, su degdeg ahna loo magacaabo guddigii farsamada ee ka talin lahaa noocyada doorasho ee Soomaaliya qaadan lahayd.

Beesha Caalamka ayaa sheegtey in cidkasta oo hal dhinac ah oo isku dayda in ay inta kale ku khasabto doonitaankooda nooc doorasho ay noqon doonto mid aan lagu taagereyn oo sharci ahayn.

Hoos ka akhri War-saxaafadeedka.

Saaxiibada Soomaaliya* ee beesha caalamka waxay muujinayaan walaacooda iyo rajada adag ee ay ka qabaan in arrimaha siyaasadeed ee dhowaan soo kordhay, oo ay ku jirto arrintii ka dhacday Baarlamaanka Federaalka, aanay wiiqi doonin dadaallada loogu jiro is-faham siyaasadeed oo wadar-ogol ah oo laga gaaro doorashooyin waqtigooda ku dhaca, oo aanay carqaladayn doonin ajendaha dib-u-habaynta Soomaaliya, ama aanay abuuri doonin xasillooni darro dib u dhac ku keeni karta guulihii ilaa iyo hadda laga gaaray arrimaha hortabinta u leh qaranka.

Saaxiibadu waxay si joogto ah ugu baaqeen wadatashiyo loo dhan yahay si heshiis sal-ballaaran looga gaaro noocyada doorasho ee sannadka 2020ka. Taasi waa sababta ay u soo dhoweeyeen go’aannadii ay madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda Dowlad Goboleedyadu ku gaareen magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday si loo gaaro yoolkaas.
 
Saaxiibada caalamku waxay ka filayaan in madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu ay ixtiraamaan heshiisyadii lagu gaaray magaalada Dhuusamareeb 22kii Luulyo iyo jadwalka waqtiyaysan ee shirarka lagu sii ambaqaadayo arrimahaas, la iskuguna keeno Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, hoggaanka Baarlamaanka Federaalka, xisbiyada siyaasadeed iyo wakiillada bulshada rayidka ah. Isku-day kasta oo ka yimaada hal dhinac oo ka mid ah saamilleyda oo isku daya inuu keligiis dadka kale ku qasbo noocyo doorasho wuxuu noqon doonaa mid aan sharciyad lahayn lamana dhaqangelin karo haddii uusan helin taageerada lagama maarmaanka ah ee saamilleyda kale. Saaxiibadu waxay si dhow ula socon doonaan waxyaabaha dhici doona ee soo socda. In go’aan lagu gaaro u-heelanaanta arrimaha qaran ee hortabinta leh ee lagu heshiiyay iyo in arrimaha lagu xalliyo wadahadal iyo isu-tanaasul waxay muhiim u yihiin sii socoshada taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya ee heerarka hadda ay tahay.
 
Saaxiibadu waxay ku baaqayaan in si dhakhso ah loo soo magacaabo dhammaan xubnaha DFS-DXF uga mid noqonaya Guddiga Farsamada, waxayna diyaar u yihiin inay fududeeyaan hawsha Guddiga, si hawshaas loogu soo dhamaystiro muddada labada toddobaad ah ee lagu heshiiyay, taas oo ka soo billaabanaysa taariikhda shirkii  Dhuusamareeb.

*Austria, Belgium, Boqortooyada Midowday ee Britain/Ingiriiska, Canada, Denmark, Dowladda Maraykanka, Faransiiska, Finland, Holand, Ireland, Japan, Jarmalka, Kenya, Midowga Yurub, Norway, Poland, Qatar, Spain, Sweden, Switzerland, Talyaaniga, Urur Goboleedka (IGAD), Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka, iyo Qaramada Midoobay

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Beesha caalamka maxaa la dhahaa? Beesha calaamku ma waxeey rabaan ineey nagu khasbaan kuraas la gadanayo.

    Beesha caalamku ma waxeey rabaan ineey niman dan gaara leh oo calashood u shaqeysatayaal ah horjogayaal noo ahadaan si iyaguna ay danahoodu u fulaan.

    Wadankan waxaa sharci ahaan loo ansixiyey doorasho hal qof iyo hal cod ah in la qabto 2020-2021 taasna waxaa lugta hayey rag dana gaara leh oo qaar maamul goboleedyada ka mid ihi ay ku jireen.

    Anigu shaqsiyan waxaan qabaa in goloha shacabku ku saxsanaa in kalsoonada lagala noqdo kheyre madama u diiday in u soo bandhigo mudo 3 sano ah miisaniyadii lagu geli lahaa hal qof iyo hal cod, madama xafiiskisu caqabad ku noqday inuu la shaqeeyo gudida madaxa banaan ee doorashoyinka, madama xafiiskisu ka shaqeyn wayey ineey sugaan amaanka goobaha loo qorsheyn lahaa in lagu qabto doorashoyinka, madama u isku dayey inuu afduubo masiirkii iyo ayihii umada somaliyeed.

    Beesha calaamkana waxaan leeyahay dumuqradiyada na bari meysaan oo geedka hooskisa baanu weligeyba gar loo dhan yahay ku gosan jirnay.

    Xalka dalka somaliyana waxaa iska leh somali kuwa maamul goboleedyada ka mid ah ee idiin gacan hadinaya ha racaan sharciyadii hore logu heshiyeey oo ay hore u aqbaleen hadii kale idinka iyo iyaguba waxaad wadaan foodo umada somaliyeedna weey idinka tashan.