Booliska Soomaaliya Oo Ka Hadlay Ciidamo La Geeyey Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Published: March 21, 2021

Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ciidamo cusub oo ka tirsan booliska la geeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Warqad kasoo baxday xafiiska taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay jirin ciidan la geeyey garoonka diyaaradaha, isla markaana shaqooyinkooda caadiga ahaa wataa ciidamada kala duwan ee suga amaanka garoonka.

” Waxaan idiin xaqiijinaynaa in aysan haba yaraatee jirin ciidan cusub ama kuwa dheeri ah oo ka tirsan booliska Soomaaliyeed oo lagu soo daabulay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle, ciidanka booliiska Soomaaliyeed, AMISOM iyo saaxiibada kale ee amaanka ee garoonka ka dagan goobaha loo asteeya, waxay wataan howl maalmeelkooda caadiga ah “

Taliska Booliska Soomaaliya

Talaabadan ayaa kusoo beegmaysa kadib markii uu madaxweynaha Puntland, walaac ka muujiyey amaanka goobta ay ka dagan yihiin Muqdisho oo u dhow garoonka diyaaraha.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *