Caasimada Morocco ee Rabat oo aan xaley laga seexan, kadib guushii xulkaas ee koobka adduunka

Published: December 7, 2022

Xulka Morocco ayaa iska xaadiriyay wareega siddeed dhammaadka koobka adduunka kaddib markii ay rigoorayaal 3-0 ku garaaceen dhigooda Spain, ciyaar leysku daalay ay ku wada ciyaareen garoonka Education City Stadium.

Magaalada Rabat ee Caasimadda Morocco waxaa xalay qabsaday dabbaaldegyo waaweyn oo ay dhigeen taageerayaasha Xulkaas iyaga oo horay usoo qaatay sawirro muujinaya sida uu dalkaan ugu heelan yahay hanashada koobka Adduunka 2022.

Waddooyinka waaweyn ee Magaalada Rabat waxaa lagu arkayay Gawaari lagu xardhay calanka Morocco, Dad lugeynaya oo qaarkood watay Koobka Adduunka & Goobaha Dadweynaha isugu tagaan oo shaashadaha lagala socday ciyaarta.

Morocco waa xulka keliya ee Afrika ah ee  ku harsan Koobka Adduunka 2022 ee sanadkaan lagu qabtay Waddanka Carbeed ee Qatar kaddib markii tartanka laga reebay Xulalka Senegal, Cameroon, Tunisia & Ghana.

Sidoo kale, Morocco waxa uu kamid yahay dalalka Carabta ee Islaamka waxa uuna dalkaas ku beegmay Portugal oo labadooda xulkii badiya usii gudbaya 4 dhammaadka.

Horseed Media