Cabdi Xaashi Oo Soo Dhoweeyey Shirka 15ka Febraayo

Published: February 10, 2021

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sen. Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa soo dhoweeyay soo jeedinta Dowlad Goboleedka Puntland ee ah in shirka lagu baaqay 15ka Febraayo 2020 lagu qabto magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu soo dhaweeyay soo jeedinta Puntland ee ah in Shirka Madaxda dowladd, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir lagu qabto Muqdisho, si uga qayb galaan dhammaan saamilayda siyaasadda iyo Bulshada rayidka ah.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku baaqay in la wada ilaaliyo nabad galyada iyo xasilloonida Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed, si looga fogaado wax kasta oo keeni kara khalalaaso siyaasadeed ee dhaca.

Hoos ka akhriso:

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *