Ciidamada Ammaanka oo maan-dooriye ku qabtay magaalada Gaalkacyo

Published: February 5, 2022

Ciidanka amaanka gobolka Mudug, ayaa hawl gallo ay xalay ka sameeyeen qeybo ka tirsan magaalada Gaalkacyo waxay ku soo qabteen shixnad maan-dooriye ah iyo Gaarigii lagu waday.

Sarakiishii hoggaamineysay howlgalkaas ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in ay Gacanta ku dhigeen 20 kartoon oo Khamri ah iyo Gaarii waday.

Sidoo kale ciidanka ayaa iska cabin kala kulmay kooxdii wadatay maan-dooriyaha, balse ma jiro khasaare ah oo ka dhashay is rasaaseyntii dhexmartay Ciidamada Ammaanka iyo kooxdii wadday Khamriga.

Hawlgalkaas Khamriga lagu qabtay ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadaha galbeed ee magaalada Gaalkacyo, welina lama shaacin macluumaad ku saabsan in gacanta lagu dhigay Gaggii watay Khamrigaas.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *